Kooxda Al Ittihad ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab Rasmi ah ka soo gudbiso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Fabinho.
Kooxda sucuudiga ka ciyaarta ayaa xiddiga 29 jirka ah doonaysa in ay ku dalabto 40 milyan oo euro iyaga oo doonaya in ay si deg-deg ah u dhamaystiraan heshiiska.
Liverpool ayaa ah cidda kaliya ee heshiiska hor taagan iyaga oo doonayn in ay xiddiga iska iibiyaan iyaga oo aan badalkiisa haysan.
Si kasta ha ahaatee kooxda ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo badalka Fabinho iyaga oo ka shaqaynaya xiddigo badan oo uu ka mid yahay xiddiga Southampton ee Romeo Lavia.
Fabinho ayaa Liverpool kula jira heshiis 3 sano ka dhimanyahay waxana uu heshiiskiisu dhacayaa snaadka 2026.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Guddida Doorashooyinka Somaliland Oo Sheegay Wakhtiga Lagu Dhawaaqi Doono Jadwalka Doorashooyinka
Related