Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in uu horyaalka Saudi Pro League uu ka fiican yahay horyaalka maraykanka ee Major League Soccer ka dib markii uu Lionel Messi u dhaqaaqay Inter Miami.
Ronaldo ayaa si lama filaan ah ugu biiray kooxda Al-Nassr bishii December ee la soo saaray kadib markii ay Man United kansashay heshiiskiisii.
Xiddigo waaweyn oo magac leh ayaa Ronaldo kula biiray horyaalka sucuudiga kana mid yihiin Karim Benzema, N’Golo Kante, Roberto Firmino iyo waliba Tababare Steven Gerrard.
Dhinaca kale Messi ayaa doortay in uu u dhaqaaqo horyaalka sucuudiga kadib markii uu ku guulaystay koobkii adduunka isaga oo xor uga tagay kooxda PSG.
Ronaldo ayaa la waydiiyay hadii uu u dhaqaaqi karo horyaalka Maraykan ayuu ku jawaabay”Waxan u malaynayaa in horyaalka Sucuudigu ka fiicanyahay maraykanka”.
“100% arintaas ayaa xaqiiqo ah”ayuu Ronaldo sii raaciyay.
Sii Akhriso: Somaliya Oo Xaqiijisay In Ay Heshay Hub Casri Ah Xilli La Bilaabayo Wajiga Cusub Ee La Dagaalanka Al-Shabaab.

Related



Source link