Christopher Nkunku ayaa si maldahan u sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu qaado culayska hogaaminta weerarka ee kooxda chelsea xilli ciyaareedkan kadib markii uu kulankiisii ugu horeeyay wacdaro ka dhigay.
Blues ayaa guul ku bilaabatay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka kadib markii ay 5/0 ku garaacday kooxda Wrexham.
Nkunku ayaa chelsea kaga soo biiray kooxda RB Leipzig iyada oo uu heshiis la gaadhay bishii November ee sanadkii hore.
Nkunku oo ka ciyaari kara boosas badan ayaa xirfadiisa ciyaareed ka bilowday khadka dhexe markii uu joogay kooxda PSG.
Booska weerarka tooska ah ayaa ah meesha uu uga ciyaari doono chelsea iyada oo uu Tababare Pochettino ka ciyaarsiiyay weerarka tooska ah.
“Kani waa booskayga”Nkunku ayaa yidhi markii la waydiiyay booska uu jecelyahay in uu ka ciyaaro”.
“Waxan jecelahay booska weerarka tooska ah maadama aan boos helayo waanan ku faraxsanahay booskaas”ayuu Nkunku yidhi.
Sii Akhriso: XASAASI: Puntland Oo Qaaday Tallaabo Dhabar Jab Ku Ah SSC-Khaatumo & Dagaalka ay Ka Wadaaan Lasacaanood.
Related