Khabiirka kubada cagta ee Chris Sutton ayaa saadaaliyay goolasha uu dhalin doono Darwin Nuez xilli ciyaareedkan.
Christ Sutton ayaa sheegay in uu Nunez kooxdiisa ka caawin doono in ay u tartanto horyaalka premier League.
Xiddiga 24 jirka ah dhaliyay 2 gool kulankii ay Liverpool ka badisay Newcastle isaga oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul soo laabasho leh.
Isaga oo la hadlaya Mail Sports ayaa yidhi”Waxan ahay taageero weyn oo Nunez ah, waxan u malaynayaa xilli ciyaareedkii hore waxa uu la kulmay dhaleecayn xoogan sabab la xidhiidha fursadihii uu luminayay”.
“Waa xiddig deg-deg ah, waa xiddig awood leh waxan u malaynayaa in uu wakhtigiisa Anfield fiicnaan doono”ayuu sii raciyay.
“Xilli ciyaareedkan waxan filayaa in uu dhaliyo ugu yaraan dhalin doono 20 gool hadii uu helo fursad uu joogto ugu ciyaaro”.
Related