Goolhayaha kooxda Inter Milan ee Andre Onana ayaa lagu soo waramayaa in uu heshiis la gaaray kooxda chelsea oo haatan doonaysa in ay heshiis la gaadho Nerazzurri.
27-sano jirkaan ayaa soo jiitay indhaha dhowr kooxood oo reer Yurub ah intii uu ku sugnaa Ajax, inkastoo xayiraadii dheeraa ee daawada daroogada ay markii hore dhaawacday rajada uu u qabo inuu u dhaqaaqo meel kale.
Onana ayaa ugu dambeyntii burburiyay qandaraaskii uu kula jiray kooxda Amsterdam wuxuuna si xor ah ugu biiray Inter isaga oo badalay Goolhaye Samir Handanovic.
Onana ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Inter xilli ciyaareedkan isaga oo kooxdiisa la gaadhay final-ka tartanka champions League.
Sida laga soo xigtay Tuttomercatoweb, Goolhaye Onana ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda chelsea si uu ugu biiro xagaagan.
Chelsea ayaa Onana u aragta badalka ugu haboon Mendy iyo Kepa kuwaas oo la filayo in ay isgaa tagaan kooxda chelsea suuqa xagaagan.
Related