Tababaraha kooxda chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa lagu soo waramay in uu isku dayay in uu Liverpool ku garaaco saxiixa xiddiga Alexis Mac Allister daqiiqadihii ugu dambeeyay ee heshiiska laakiin xiddiga ayaa iska diiday Blues si uu ugu biiro Anfield sida ay sheegayaan wararku.
Xiddiga reer Argentine ee ku guulaystay koobkii adduunka ayaa ku biiray Liverpool Khamiistii isaga oo ugu biiray lacag dhan 35 milyan oo euro.
Inkasta oo la filayay in lagu iibiyo xiddiga wax ka badan 65 milayn oo euro hadana xiddiga 24 jirka ah ayaa heshiiskiisa lagu bur-buriyay 35 milyan oo euro.
Sida laga soo xigtay The Times, tababaraha cusub ee Chelsea Pochettino ayaa isku dayay in uu wakhti dambe ku garaaco Liverpool heshiiska xiddiga ay isku dalka yihiin.
Laakiin Liverpool ayaa si deg-deg ah u dhamaystirtay iyada oo xiddiga khadka dhexe balan-qaad u sameeyay Liverpool si uu uga hoos ciyaaro Jurgen Klopp.
Related