Muqdisho (soomaalinews.com) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in halista ugu weyn ee wajahayo hana-qaadka dowlad dhiska dalkeena iyo dimuqraadiyada curdanka ah ay tahay hoos u dhac ku yimid kaalintii bulshada rayidka ah.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo saaray oo ugu hadlay arrintaan, sidoo kale ku sheegay in warbaahinta madax-banaan ay qeyb ka tahay hoos u dhacaas ku yimid kaalinta bulshada rayidka ah.

“Halista ugu wayn ee hanaqaadka dawlad dhiska dalkeena iyo dimoqoraadiyadda curdunka ah soo food saartay waa hoos u dhaca ku yimid kaalintii bulshada rayadka ah iyo warbaahinta madaxa-bannaa,” ayuu yiri Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada.

Xildhibaan Shakuur ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in arrintaan ay qeyb ka noqotay kadib markii ay hoggaamiyayaashii bulshada rayidka ah ay noqdeen kuwo geeriyooday, kuwa ku biiray siyaasadda iyo kuwa howl-galb noqday.

“Halka la kala garan waayey warbaahintii dawladda iyo tii madaxa-bannaanayd,” ayuu qoraalkaasi ku yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ergey Cabdiraxmaan ayaa ugu dambeyntiina waxaa uu ka dhawaajiyay in xilligaan loo baahan yahay jiil cusub oo dhiirranaan iyo ku dhac leh oo hoggaamiya bulshada rayad ah iyo warbaahin madax-banaan.

“Kuwaasi oo kaalin mug lehna ka qaata qaata xakamaynta siyaasiyiinta, xasillinta dalka, dawlad dhiska iyo dimoqoraadiyeynta.”





Source link