Xiddiga Arsenal ee Bukayo Saka ayaa ka hadlay dhamaadka xilli ciyaareedka iyo fashilkii Arsenal ee ku guulaysiga horyaalka isaga oo qirtay in ay xiddigaha Arsenal si weyn u dhaawacmeen kadib markii ay horyaalka u gacan galiyeen Man City.
Kooxda Arsenal ayaa hogaaminaysay horyaalka inta badan xilli ciyaareedkan laakiin waxa ay bur-bureen kulamadii ugu dambeeyay iyaga oo horyaalka u gacan galiyay Man City.
“Waxaan u soconaa jihada saxda ah, sidaan oo kale” Saka ayaa u sheegay halyeeyga Gunners Ian Wright.
“Waxaan arkay isbedel badan sanadihii la soo dhaafay, Sida iska cad ka hadalka xilli ciyaareedkan, aad ayuu noo dhaawacayaa”.
“Runtii way adagtahay in laga fikiro sida aan ku dhamaysanayno xilli ciyaareedka, laakiin waxa aan odhan karaa in aan kornay ilaa 3-dii sano ee ugu dambaysya”.

Related



Source link