Xiddiga Bukayo Saka ayaa kooxdiisa Arsenal u dhaliyay goolka furitaanka ee champions League kulan ay ay Emirates kula ciyaareen PSV.
Xiddiga reer England ayaa kooxdiisa hogaanka u dhiibay daqiiqadii 8-aad ee ciyaarta waxana uu dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee kooxdiisa tartanka.
Markii Ugu Dambaysay ee ay kooxd Arsenal ka dhaliso champions League ayaa ahaa sanadkii 2017 markaas oo ahayd markii ugu dambaysay ee ay ka qayb gashay tartanka.
Xiddigii ugu dambeeyay ee Arsenal u dhaliya champions League ayaa ahaa xiddigii hore ee Theo Walcott kaas oo ka dhaliyay Bayern Munich.
Goolka Walcott iyo Saka ayay u dhexaysaa 2,388 maalin waana wakhigii ugu dheeraa ee ay kooxda Arsenal sugto gool champions League ah.
Related