Madaxa fulinta kooxda Brighton & Hove Albion Paul Barber ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in Alexis Mac Allister uu haatanba ogolaaday koox uu ku biirayo ka hor furitaanka suuqa kala iibsiga.
24 jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah kusoo bandhigay Seagulls xilli ciyaareedkii 2022-23, isagoo kasoo muuqday 38 jeer tartamada oo dhan, isagoo ka qeyb qaatay 12 gool iyo seddex caawin.
Mac Allister ayaa 10 gool iyo labo caawin ka dhaliyay horyaalka Premier League, dhanka kale, iyadoo Brighton ay xaqiijisay u soo bixista tartamada yurub ee xilli ciyaareedka dambe.
Xiddiga khadka dhexe ayaa sidoo kale door muhiim ah ka ciyaaray ku guulaysigii xulkiisa Argentina ee koobka adduunka taas oo keentay in si weyn loo hadal hayo mustaqbalkiisa.
Kooxaha Chelsea iyo Liverpool ayaa si weyn loola xiriirinayaa xiddigan ka soo jeeda koonfurta America halka ay jiraan warar sheegaya in ay Liverpool haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga.
Si kastaba ha ahaatee, Barber ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in uu Mac Allister ka tagayo kooxda waxana uu sheegay in ay kooxdu u dagaalami doonto sidii ay u sii haysan lahayd xiddiga.
“Waxan ku arkaa tababarka maalin walba waxana uu u muuqdaa mid faraxsan waxana aan doonaynaa in uu sii joogo halka xilli ciyaareedka dambe”ayuu u sheegay talkSPORT.
“Dabcan waan ognahay inay jiraan kooxo badan, maahan kaliya dalkan, laakiin Yurub iyo adduunka oo dhan, kuwaas oo doonaya inuu u ciyaaro iyaga. Laakiin, xilligan Waxa uu la joogaa Brighton”

Related



Source link