Kooxda Tottenham ayaa lagu soo waramayaa in ay aqbashay dalabkii ay Bayern Munich ka gudbisay saxiixa xiddiga Harry Kane.
Bayern Munich ayaa Tottenham miiska u saartay lacag dhan 100 milyan oo euro iyo waliba lacago gunooyin ah.
Sida laga soo xigtay ESPN, kooxda Tottenham ayaa aqbashay dalabk Bayern Waxana haatan la dhamaystirayaa saxiixa xiddiga reer England.
Harry Kane ayaa xor noqon doona Dhamaadka xilli ciyaareedka iyada oo heshiiskiisa kooxdu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Bayern Munich ayaa Kane ka dhigatay bartilmaameedkooda 1-aad oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Related



Source link