Kooxda Arsenal ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Ansu Fati sida ay sheegayaan wararku.
Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Arsenal dalab 35 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Ansu Fati si ay ugu xoojiso weerarka.
Mikel Arteta ayaa taageero weyn u ah xiddiga reer Spain waxana uu doonayaa in uu xiddiga keeno kooxdiisa suuqa kala iibsiga xagaaga.
Wargayska ayaa sheegaya in ay Arsenal la xidhiidhay xiddiga si ay ugu qanciso in uu yimaado Emirates suuqa kala iibsiga xagaaga.
Fati ayaa si weyn ugu dhibaatooday dhaawacyo xilli ciyaareedydii ugu dambeeyay iyada oo xiddigu uu waayay booskiisa kooxda.
Si kasta ha ahaatee Barcelona ayaa diiday dalabka Arsenal maadama uu xiddigu qayb weyn ka yahay mustaqbalka kooxda Barcelona.
Related