Baacsiga ay Arsenal ugu jirto xiddiga khadka dhexe ee Decland Rice ayaa laga yaabaa in uu joogsado sida ay sheegayaan wararku.
Gunners ayaa ah kooxda sida weyn u xiiseyneysa xiddiga khadka dhexe ee West Ham.
Rice, oo todobaadkan kula guuleysatay Hammers tartanka Europa Conference League, ayaa doonaya in uu ku biiro koox ka ciyaaraysa champions League.
Sida laga soo xigtay The Times, Arsenal ayaa lagu leeyahay lacag dhan 150 milyan oo euro oo ay galisay suuqa kala iibsiga iyo waliba heshiisyadii ay ka saxiixatay xiddigaha kooxda jooga.
Tirada saxda ah ayaa laga yaabaa inay ka sii badan tahay sabab la xidhiidha saxiixyadii ay sameeyeen labadii suuq ee ugu dambeeyay.
Arsenal ayaa heli doonta lacag ay suuqa ku gasho Xagaagan laakiin Arteta ayaa laga yaabaa in ayna samayn saxiixyo waaweyn oo qali ah.
Related