Arsenal ayaa wadahadalo la furtay Leicester City iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga Timothy Castagne, sida ay wararku sheegayaan.
Mikel Arteta ayaa isha ku haya in uu la soo saxiixdo daafac midig oo cusub xagaagan kadib markii uu xilli ciyaareedkii dhamaaday ka ciyaarsiinayay booskaas xiddiga Ben White.
Gunners ayaa mar hore lala xiriiriyay dhowr dookh oo ay ku jiraan Joao Cancelo oo ka tirsan Manchester City xiddiga Real Valldolid ee Ivan Fresneda iyo xiddiga Galatasaray ee Sacha Boey.
Sida laga soo xigtay Sacha Tavoleri, Fresneda ayaa ah bartilmaameedka ugu sarreeya ee Arsenal ee booska laakiin Castagne ayaa ku jira liiska labaad ee kooxda.
Waxaa la sheegay in Arsenal ay bilowday wada xaajoodyo ay Leicester kula jirto si ay ula saxiixato xiddiga reer Belguim kaas oo ay si deg-deg ah u dhamaystiri karto heshiiskiisa.
Castagne ayuu 2 sano uga dhimanyahay heshiiskiisa kooxda Leicester City laakiin xiddiga 27 jirka ah ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda kadib markii ay ka hadhay horyaalka.

Related



Source link