Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo kula jirta xiddiga kooxda chelsea ee Kai Havertz sida ay sheegayaan wararku.
Saxafiga Fabrizo Romano ayaa xaqiijiyay in ay Arsenal wadahadalo kula jirto wakiilada xiddiga isla markaas rajo fiican ka heshay wadahadaladaas.
Arsenal ayaa doonaysa weeraryahan ay ku xoojinayso kooxda xilli ciyaareedka dambe.
Sidoo kale Arsenal ayaa wadahadalo kula jirta kooxda chelsea oo doonaysa in ay iska iibiso Kai Havertz inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Kooxxda chelsea ayaa k qiimaysa xiddiga lacag dhan 75 milyan oo euro laakiin waa lacag ay Arsenal diidantahay in ay bixiso lacagtaas

Related



Source link