Arsenal ayaa laga yaabaa inay qarka u saaran tahay inay jabiso rikoorkeeda suuqa kala iibsiga ka dib markii ay heshiis la gaareen Declan Rice, laakiin Piers Morgan ayaa rumeysan inay weli u baahan yihiin saxiix kale haddii ay doonayaan in ay u tartamaan koobabka waaweyn.
Gunners ayaa ugu dambayn ku sii dhawaanaysa bartilmaameedkeeda 1-aad kadib markii ay heshiis afka ah la gaadheen kooxda West Ham si ay u helaan saxiixa xiddiga.
Taageeraha Gunners Morgan ayaa ku faraxsan warkaan laakiin wuxuu weli dareemayaa in Arsenal ay u baahan tahay inay sameyso saxiix kale oo magac leh si ay ula tartamaan Man City.
Fariin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku muujiyay sida uu u aaminsan yahay in Arsenal ay u baahan tahay inay ‘baanka jabiso’ si ay ula soo saxiixato weeraryahanka Napoli Victor Osimhen.
“Waa wax cajiib ah hadii ay Arsenal ku guulaystay saxiixa Declan Rice, kaas oo wax weyn ku soo kordhin doona kooxda”ayuu yidhi.
“Laakiin hadii aan doonayno in aan ku guulaysano koobab sidoo kale waxa aan u baahahay weeraryahan heer caalami ah kaas oo dhalin kara 25 gool iyo wax ka badan, waa in aan baanka u jabino”.
Related