Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay ka walaacsanyihiin Wadahadalada ay heshiiska cusub kaga saiixanayso xiddiga William Saliba iyada oo kooxdu ka yaabtay dalabka xiddiga si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda.
Xiddiga reer France ayuu hal sano uga dhimanyahay heshiiskiisa kooxda Arsenal waxana ay kooxdu doonaysaa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga.
Sida laga soo xigtay The Sun, Saliba ayaa Arsenal ka dalbanaya mushahar aad u badan taas oo wal-wal ku ah maamulka kooxda.
Kooxda Arsenal ayaan doonayn in xiddiga 22 jirka ah dhamaysto heshiiskiisa isla markaas ay ku waayi lahaayeen qaab xor ah dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.
Kooxda Arsenal ayaa xiddiga Saliba miiska u saartay mushahar todobaadkii uu ku qaadanayo 120 kun oo Gini todobaadkii.
Laakiin Saliba ayaa dalbanaya mushahar intaas ka badan iyada oo kooxda PSG xiddiga reer France diyaar ula tahay in ay miiska u saarto lacag ka badan mida Arsenal.

Related



Source link