Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay u furan tahay inay u ogolaato Emile Smith Rowe inuu ka tago kooxda ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaagan Jimcaha.
Xiddiga reer England ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Arsenal xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 10 gool laakiin waxa uu ku dhibaatoonayaa in uu boos ka helo kooxda.
Inkasta oo uuna ahayn xiddigii sanadkii hore hadana chelsea ayaa wali doonaysa saxiixa xiddiga Smith Rowe si ay ugu xoojiyaan kooxda maalmaha ka dhiman suuqa xagaagan.
sida laga soo xigtay The TimeS Arsenal ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga Smith Rowe hadii ay dalab Rasmi ah helo.
Xiddiga Smith Rowe ayaa dhinaciisa diyaar u ah in uu isaga tago kooxda Arsenal xilli uu ka niyad jabsanyahay xaaladiisa Arsenal.Kooxda Arsenal ayaa bilowgii xagaagan diiday dalab 30 milyan ah oo ay Aston Villa ku doonaysay saxiixa xiddiga taas oo la macno ah in ay Arsenal dalban doonto lacag intaas ka badan.
Related