Arsenal ayaa diyaarinaysa qorshe deg-dge ah hadii ay dhacdo in ay waydo sxiixa kabtanka West Ham Declan Rice.
Mikel Arteta xiddiga reer England ka dhigtay bartilmaameedkiisa 1-aad tan ilaa suuqii January iyada oo Gunners ahayd kooxda ugu cad-cad saxiixa xiddiga 24 jirka ah.
Tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga ayaa sii xoogaysanaya iyada oo Man City dalab Rasmi ah ka gudbisay maalintii Isniintii.
Kooxda West Ham ayaa Man City ka diiday dalab 90 milyan, inaksta oo ay Arsenal dalab 3-aad ka gudbinayso xiddiga hadana rajadooda saxiixa xiddiga ayaan fiicnayn.
Sida laga soo xigtay Mail Online, Arenal ayaa diyaarsatay xiddigo ay u calaamadsatay badalka Declan Rice hadii ay dhacdo in ay ku fashilmaan saxiixiisa.
Xiddigaha Youssouf Fofana (Monaco), Moises Caicdeo (Brighton) iyo Romeo Lavia (Southampton) ayaa ah xiddigaha ay Arsenal u diyaarsatay badalka Rice.

Related



Source link