Kooxda West Ham ayaa rumaysan in ay Arsenal dalabkii 3-aad ka soo gudbinayso kabtankeeda Declan Rice iyaga o ku rajo weyn in ay dhamaystiraan saxiixa xiddiga.
Kooxda Hummers ayaa wali rajaynaysa in ay Gunners kor u qaado dalabkeeda kadib markii ay dalab 90 milyan ah ka diideen kooxda Arsenal.
Laakiin West Ham ayaa aaminsan in ay Arsenal doonayso in ay dalab cusub oo 100 milyan ah ka gudbiso saxiixa xiddiga reer England.
Waxa la fahamsanyahay in dalabka cusub ee Kooxda Arsenal uu aad ugu dhawaan doono qiimaha ay doonayso kooxda West Ham.
Waxa ay u muuqataa in Xiisaha Man City ay Arsenal ku qancisay in ay dar-dar galiso xiisaha ay u qabto saxiixa xiddiga si ay u dhamaystiraan heshiiskiisa.
Related