Kooxda Arsenal ayaa qorshaynaysa in ay iska iibiso xiddiga khadka dhexe ee Emile Smith Rowe si ay ula soo saxiixato xiddiga Leicester James Maddison, sida ay wararku sheegayaan.
Kadib fashilkii horyaalka premier League, Mikel Arteta ayaa dareenkiisa u jeediyay sidii uu u xoojin lahaa kooxdiisa marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.
Arteta ayaa sidoo kale isku dayi doona inuu kor u qaado kooxdiisa si uu isugu diyaariyo kubbada cagta Champions League, iyadoo kooxda waqooyiga London ay soo geli doonto heerka koowaad ee Yurub markii ugu horeysay muddo lix sano ah.
Sida laga soo xigtay Mirror, Maddison waxa diirada u saarnaa Arsenal in muddo ah waxana ay u aragtaa xiddig wax weyn ka qaban karaa khadka dhexe ee kooxdooda.
Maddison ayaa laga yaabaa in uu ka hadho tartanka champions League iyada oo Leicester City ay u badantahay in ay ka hadho tartanka premier League xilli ciyaareedkan.
Sidaas darteed Gunners ayaa iska iibinaysa xiddiga Emile Smith Rowe si ay lacagtiisa ugula soo wareegto xiddiga James Maddison suuqa kala iibsiga xagaaga.

Related



Source link