Xiddiga Real Madrid Antonio Rudiger ayaa sheegay inuu ku faraxsanaan lahaa inuu dib ula midoobo saaxiibkiisii ​​hore ee Chelsea Kai Havertz xagaagan.
Havertz ayaa u furan inuu ka tago Stamford Bridge iyadoo Chelsea ay diyaar u tahay inay dhageysato dalabyada xilli ay doonayaan in ay soo yareeyaan kooxda 1-aad ee tababare Mauricio Pochettino.
Ruidger ayaa ka garab ciyaaray saaxiibkiisa hadii ay tahay xulka qaranka Germany ama kooxda chelsea intii uu joogay ka hor inta uuna ku biirin Real Madrid xagaagii hore.
Los Blancos ayaa isha ku haysa in ay xoojiso weerarkeeda kadib markii uu Karim Benzema u dhaqaaqay kooxda Saudi Arabia ee Al-Ittihad. Rudiger ayaana door ka qaadanaya in saaxiibkiisa Havertz Ku biiro Real Madrid.
“Waan ku farxi lahaa in aan mar kale la ciyaaro Havertz heer kooxeed,” Rudiger ayaa u sheegay AS.
“Nasiib darro, wax badan kama sheegi karo sababtoo ah arimaha suuqa waxa ku lug leh kooxda”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link