Alexis Mac Allister ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday Manchester United ka hor inta uusan go’aansan inuu ku biiro Liverpool, inkastoo Reds ay ku guuldareysatay inay u soo baxdo Champions League.
Xiddiga ku guulaystay koobka aduunka ayaa qarka u saaran inuu noqdo saxiixii ugu horeeyay ee Jurgen Klopp suuqa kala iibsiga xagaaga.
Mac Allister ayaa fure u ahaa guulaha Brighton ee xilli ciyaareedkii dhamaaday iyada oo qaab ciyaareedkiisu ka caawiyay in ay u soo baxaan Europa League xilli ciyaareedka dambe.
Liverpool ayaa ku dhaw saxiixa Mac Allister Kadib markii ay Liverpool la heshiisay Brighton iyada oo Reds ka bixinayso xiddiga lacag dhan 45 milyan oo euro.
Ka hor intii uuna go’aansan ku biirista Liverpool, Mac Allister ayaa xiiso dhab ah ka helayay Man United kuwaas oo sidoo kale suuqa ugu jira xiddig khadka dhexe ah.
Sida laga soo xigtay The Times, Mac Allister ayaa diiday ku biirista Man United sabab la xidhiidha in uu donayay Xidhashada Maaliyada Liverpool

Related



Source link