Liverpool ayaa laga yaabaa inay racfaan ka qaadato casaankii la siiyay Alexis Mac Allister kulankii ay 3-1 kaga badiyeen Bournemouth sabtidii.
Kooxda Jurgen Klopp ayaa gaartay guusheedii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka 2023-24 Premier League ka dib goolal ay kala dhaliyeen Luis Diaz, Mo Salah iyo Diogo Jota.
Si kastaba ha ahaatee, seddexda dhibcood ayaa waxaa xoogaa hareeyay Kaadhkii casaa ee loo taagay xiddiga Mac Allister kaas oo ciyaarta laga saaray daqiiqadii 58-aad kadib markii uu khalad ku galay xiddiga Ryan Christie.
Kaadhka cas ayaa ahaa mid la yaab leh marka la eego in uuna dhaawacu ahayn mid halis ah waxan uu haatan seegi doonaa kulamada Newcastle, Aston Villa Wolverhampton Wanderers.
Taasi waa, dabcan, haddii aysan Reds si guul leh racfaan uga qaadanin go’aanka, taasoo uu Klopp si maldahan u sheegay shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib.
Related