Halyeeyga Premier League ee Alan Shearer ayaa soo saaray shaxda ugu fiican horyaalka premier League.
Waxa todobaadkan la soo afjaray xilli ciyaareed adag oo xiiso leh oo ay xiddigo badan iyo kooxo badan is muujiyeen.
Kooxda Man City ayaa ku guulaystay horyaalka premier League kadib markii ay garaaceen kooxda Arsenal oo inta badan xilli ciyaareedka hogaaminaysay.
Xiddigo badan ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo kooxohooda ka caawiyay in ay meelo fiican kaga dhamaystaan xilli ciyaareedkan.
Kooxda Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 4 xiddig kadib markii ay ku guulaysteen horyaalka.
Dhinaca kale Newcastle iyo Arsenal ayaa shaxda ku leh min 2 xiddig kadib xilli ciyaareed fiican oo ay soo qaateen.
Tottenham, Man United iyo Brighton ayaa dhinacooda shaxda ku leh min hal xiddig.

Related



Source link