Kooxda Ac Milan ayaa si Rasmi ah u soo bandhigtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Ruben Loftus-Cheek kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Chelsea.
Ruben Loftus-Cheek ayaa Ac Milan ugu biiray heshiis ku kacaya lacag dhan 18.5 milyan euro waxana uu si Rasmi ah u noqday xiddig Ac Milan ah maanta.
Xiddiga reer England ayaa qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono kooxda ka ciyaarta horyaalka Talyaaniga.
Xiddiga Ruben Loftus-Cheek ayaa kooxda Ac Milan kula biiraya xiddigaha ay chelsea ka soo wada ciyaareen ee Giroud iyo Tomori kuwaas oo muhiim ka ah Ac Milan.
Kooxda Milan ayaa aaminsan in uu Ruben Loftus-Cheek kooxda ka caawin karo in ay mar kale ky tartanto horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedka cusub.
Sii Akhriso: Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Saaka Lagu Qaaday Magaalada Muqdisho La Ogaaday

Related



Source link