Ka soo muuqashada Aaron Ramsdale ee koobka Carabao Cup usbuucan ayaa cadeyneysa inuu haatan yahay dookha 1-aad ee kooxda Arsenal sida uu qabo Ladyman.
Goolhayaha reer England ayaa ku bilowday guushii 1/0 ahayd ee ay Arsenal ka gaadhay Brentford kulan ka tirsanaa Carabao cup-ka.
Mikel Arteta ayaa sheegay in uu isku badali doono labadiisa Goolhaye xilli ciyaareedkan kadib markii uu Raya kaga soo biiray kooxda Brentford.
Laakiin sida uu qabo Ladyman, Dookha 1-aad ee Mikel Arteta ayaa cadaaday kadib markii uu Ramsdale ku bilaabay shaxdiisa kulankii Carabao cup-ka.
“Ramsdale waxa loo doortay shaxda Arsenal ee kulanka Carabao cup-ka ee Brentford waxa ay taasi cadaynaysaa wixii aan mar hore sheegay waana in uu yahay dookha 2-aad Ee Arsenal”.
“Waa Goolhayaha ciyaari doona kulamada koobabka, Kulanka Premier League ee ay Arsenal Sabtida la ciyaari doonto Bournemouth waxa uu ku laaban doonaa kursiga kaydka”.

Related



Source link