Xiddigii hore ee Manchester City Yaya Toure ayaa sheegay in uu rajaynayay in uu Sadio Mane ku biiro Bayern Munich ka hor intii uuna ku biirin Man City.
Sadio Mane ayaa ka tagay Liverpool ka dib markii uu ku guuleystay dhamaan koobabka suurtagalka ah hadii tahay koobabka maxaliga ah yurub ama adduunka.
Sadio Mane ayaa go’aansaday inuu tartan cusub ciyaaro waxana uu ku biiray Bayern Munich laakiin waxa uu ku fashilmay in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo waxana uu ka tagi karaa kooxda xagaagan.
Yaya Toure ayaa yiri, sida laga soo xigtay wargeyska Marca”Waxaan doonayay inaan qolka labiska la wadaago Sadio Mane markii aan ahaa ciyaaryahan Manchester City.”
“Sadio Mane waxa uu markaas ku sugnaa Southampton, dhawr jeer ayaan kala hadlay madaxdeyda sida ay lagama maarmaanka u tahay in Sadio Mane uu yimaado kooxd laakiin ugu dambeyntii waxa uu u saxiixay Liverpool oo uu noqday mid ka mid ah halyeeyadeeda”.
Waxaa xusid mudan in Sadio Mane qandaraaskiisa Bayern Munich uu dhacayo xagaaga 2025-ka.
Related