Bruno Petkovic iyo Luka Modric goolal ay kala dhaliyen waqtigii dheeriga ee ciyaarta ayaa keentay inay u gudban Croatia finalka Nations Leagueka dib markii ay 4-2 kaga badisay Netherlands xalay.
Xulka Zlatko Dalic, oo gaaray semi-finalka Koobka Adduunka sannadkii hore, ayaa u dhaqaaqay tallaabo u dhow inay helaan koobkoodii ugu horreeyay ee abid, waxayna muujiyeen mar kale inay yihiin khabiiro ku takhasusay waqtiga dheeriga ah.
Andrej Kramaric iyo Mario Pasalic ayaa qeybtii labaad ee ciyaarta u dhaliyay xulka Croatia Goolal, laakin Donyell Malen iyo Noa Lang ayaa daqiiqadii 96-aad ee ciyaarta goolal barbardhac ah u dhaliyay Netherlands,waxayna qasab noqotay in lagu daro 30 daqiiqo oo dheeri ah.
Si kastaba Petkovic ayaa ka cararay Frenkie de Jong wuxuuna kubad ka soo toogtay meel ka baxsan diilinta ganaaxa isagoona halkaa ka dhaliyay goolkii 3aad ee xulka Croatia, Modric ayaana quusiyay Netherlands kadib markii uu ka dhaliyay gool rigoore ahayd.
Croatia ayaa kaliya hal guuldaro la kulantay 16-kii kulan ee ugu dambeeyay, waxaana uu kala kulmay xulka ku guulaystay koobka adduunka ee Argentina, waxayna meesha ka saareen Holland oo doonaysay inay ku guulaysato tartankoodii ugu horeeyay tan iyo 1988-kii koobka qaramada Yurub.
Kooxda Ronald Koeman ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad ee koobkii ugu horeysay ee Nations League oo ay wajahday Portugal oo martigelineysa sanadkii 2019, halka France uu ku guuleystay 2021.
Tababaruhu waxa uu u xushay ciyaaryahan Malen dhanka midig ee weerarka, iyadoo da’yarka xiisaha badan ee Xavi Simons uu garabka bidix ka soo muuqday kulankiisii afaraad ee Netherlands.
Labaduba waxay ku lug lahaayeen goolkii furitaanka, iyadoo uu weheliyo weeraryahanka Liverpool Cody Gakpo.
Xulka Croatia ayaa guul ka gaaray xulalka Brazil, Japan, England, Russia iyo Denmark, kuwaas oo ay la gaaren waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray labadii koob adduun ee ugu dambeeyay.
Spain iyo Italy ayaa is haleeli doona caawa wana kulan kale oo semi-finalka ah, midkii soo baxa ayuuna ku dhici doona Croatia.
Related