Muqdisho (soomaalinews.com) – Xafiiska xeer  ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay ilaa afar masuul oo loo soo xiray falal la xariira Musuq-maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.

Afarta masuul ee maanta maxkamadda la hor geeyey ayaa ka howl-gelayey xafiisyo ku yaalla garoonka Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho, waxayna kala yihiin:

1 – Agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada XFS.

2 – Agaasimaha waaxda ajaanibta ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

3 – Masuulkii xafiiska Fiiso bixinta ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

4 – Maamulihii Bangiga Dhexe ee laanta garoonka Aadan Cadde.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu yiri “Eedeysanayaashaan oo maanta la hor-geeyey maxkamadda gobolka Banaadir waxay u dirtay xabsi ku heyn ku meel gaar ah, si looga gungaaro kiiska lagu eedeynayo, kadibna maxkamadda loogu soo gudbiyo eeda loo heysto.”

Dowladda Soomaaliya ayaa wada olole xoog leh oo ay kula dagaalameyso musuq maasuqa, waxaana xabsiga la dhigay masuuliyiin badan oo ka tirsan hey’daha dowladda, balse u badan agaasimeyaal.

Maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa in maxkamadda gobolka Banaadir ay ka soo hor muuqdaan xubno badan oo loo heysto musuq maasuq.

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo ayaa go’aan ku gaartay inay dalka ka ciribtirto musuqa, sida marar badan ay warbaahinta ka sheegeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka.





Source link