Garbahaarey (soomaalinews.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan xiisad cusub ay kasoo cusboonaatay gobolka Gedo, taas oo hadda ka taagan magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in xiisaddu u dhexeeyo ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland iyo ciidan kale oo taabacsan maamulkii hore ee gobolka Gedo, kuwaas oo u abaabulan hab beeleed.
Wararka ayaa intaasi kiu daraya in ciidamada gadoodsan ay gudaha u galeen xarunta degmada, halkaas oo ay dhaq-dhaqaaq ka wadaan.
Sidoo kale waxaa arrintan ku baxay odayaasha deegaanka oo haatan wada dhex-dhexaadin, waxayna sidoo kale la hadlay guddoomiyaha gobolka, Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir oo isuguna ciidamo ku haysto halkaasi.
Odayaasha ayaa guddoomiyaha ka dalbaday in uusan dagaal qaadin, isla-markaana uu ka war sugo inta ay ciidamada ka saarayaan xarunta maamulka degmada.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kascsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in labada dhinac ay ku dagaalamayaan gudaha degmada.
Garbahaarey ayaa in muddo ah waxaa ka caaganaa diyaaradaha, maadaama kol hore garoonka magaaladaas lagu rasaaseeyey diyaarad ka degtay, taas oo keenya hubanti la’aan.
Gobolka Gedo ayaa waxaa dhowaan ka dhacay isbeddal maamul, kadib markii ay gobolka oo dhan la wareegtay dowlad goboleedka Jubbaland oo muddo laga diidanaa halkaasi.
Si kastabam xiisadda cusub aya kusoo beegantay, xilli la qorsheynayo in madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe uu gaaro gobolka Gedo, si uu ula hadlo shacabka gobolkaasi.