Kooxda Arsenal ayaa soo saartay 15-ka ciyaaryahan ee u sharaxan abaal marinta xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedkan.
Kaliya ciyaartoy 30 ama ka badan u saftay kooxda tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan waxa la soo saaray 15 xiddig oo u tartami doona xiddiga ugu fiican kooxda.
Gunners ayaa soo qaatay xilli ciyaareed xasuus mudan iyada oo ay hogaaminaysay horyaalka premier League League muddo aad u dheer ka hor inta ayna lumin todobaadyadii ugu dambeeyay.
Arsenal ayaa u soo baxday champions League markii ugu horaysay muddo 7 sano ah iyaga oo ku dhamaysan doona kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.
Kooxda Arsenal ayaa kulanka ugu dambeeya ee xilli ciyaareedka la ciyaari doonta kooxda Wolves iyaga oo doonaya in ay guul ku soo xidhaan xilli ciyaareedkan.
Halkan kaga bogo Xiddigaha u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican kooxda xilli ciyaareedkan:
Gabriel Jesus
Gabriel Maghalaes
Gabriel Martinelli
Eddie Nketiah
Martin Odegaard
Thomas Partey
Aaron Ramsdale
William Saliba
Bukayo Saka
Kieran Tierney
Takehiro Tomiyasu
Fabio Vieria
Ben White
Granit Xhaka
Oleksandr Zinchenko
Related