Xidigii hore ee Chelsea Emmanuel Petit ayaa aaminsan in Raheem Sterling uu ahaa saxiixii ugu niyad jabka badnaa ee kooxda xilli ciyaareedkan.
Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ayaa qirtay inuu weli taageere weyn u yahay weeraryahanka, waxaana uu qeyb ahaan ku eedeeyay qaab ciyaareedkiisa xun dhibaatada uu Todd Boehly keenay kooxda.
Kadib wakhti fiican oo uu la soo qaatay Man City, Sterling ayaa chelsea ku biiray xagaagii isaga oo 50 milyan ugu biiray Blues waxana la filayay in uu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican.
Laakiin xiddiga ayaa ku fashilmay waxana uu kooxda u dhaliyay kaliya 9 gool 37 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.
“Raheem Sterling waa saxiixii Chelsea ee niyad jabka ugu badan, ma doonayo in aan dhibaateeyo laakiin waxa aan odhan karaa waa saxiixii ugu xumaa ee kooxda chelsea”.

Related



Source link