Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Granit Xhaka ayaa la xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda Arsenal kadib dhamaadka xilli ciyaareedka premier League.
Granit Xhaka ayaa ku jira xilli ciyaareedkiisii 7-aad ee Arsenal waxana lala xidhiidhinayaa in uu ku laabanayo kooxdiisii hore Bayer Leverkusen.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa haatan xaqiijiyay in uu xiddiga Xhaka ka tagi doono kooxda Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu ciyaaro kulanka Wolves ee Premier League.
Xhaka ayaa ciyaari doona kulankiisii ugu dambeeyay ee Arsenal maalinta Axada kadib waxa uu macasalaamayn doonaa kooxda Arsenal isaga oo ku laaban doona Leverkusen.
Arsenal iyo Leverkusen ayaa ku dhaw in ay ka heshiiyaan saxiixa xiddiga waxana la filayaa in la dhamaystiro heshiiskiisa todoabadka dambe.
Xhaka ayaa Arsenal u ciyaaray 224 kulan waxana uu u dhaliyay 15 gool tatramada oo dhan waxana uu kooxda kula guulaystay koobab ay ka mid yihiin tartanka FA Cup-ka.

Related



Source link