Xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid Aurelien Tchouameni ayaa u muuqda inuu si cad u diiday Liverpool xilli ay Reds suuqa u galayso badalka Fabinho kaas oo ka tagaya kooxda xagaagan.
Liverpool ayaa xagaagan oo dhan lala xidhiidhinayay xiddiga khadka dhexe ee Aurelien Tchouameni iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan khadka dhexe.
Laakiin Aurelien Tchouameni ayaa si cad u diiday Liverpool xilli uu u maray baraha bulshada xilli ay Liverpool suuqa ugu jirto badalka Fabinho.
Xiddiga Aurelien Tchouameni ayaa “Like” Saaray qoraal la soo dhigay baraha bulshada oo sheegaya in aanu xiddigu iib ahayn inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Tababaraha Liverpool ee Klopp ayaa taageero weyn u ah xiddiga khadka dhexe waxana uu doonayaa in uu keeno xiddiga si uu ugu xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedkan.
Laakiin Tchouameni ayaa u muuqda mid aan diyaar u ahayn in uu ka tago kooxda Real Madrid waxana uu doonayaa in uu u sii ciyaaro kooxda Los Blancos.
Sii Akhriso: Al-Shabaab Oo Weerar Ba’an Ku Qaaday Magaalada Muqdisho & Khasaaraha Ka Dhashay.
Related