Arsenal ayaa wajaheysa Tottenham isbuucaan derby waqooyiga London, isku diyaarinta kulankaan waxaa jiray doodo badan oo ku saabsan ciyaartoyda geli doonta Shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood.
Waxaan maqalnay doodo ku saabsan in Heung-Min Son uu geli doono kooxda Arsenal iyo in kale Martin Odegaard uu geli doono kooxda Tottenham.
Hadda, isagoo ka hadlaya Handbrake Off Podcast, Adrian Clarke wuxuu ka hadlay isbarbardhigga ciyaaryahan ee u dhexeeya Spurs iyo Arsenal, wuxuuna sheegay in ciyaaryahanka kaliya ee Tottenham uu hadda qaadan lahaa uu yahay James Maddison.
Xaqiiqdii, khabiirka ayaa sheegay inuusan waxba ka qabin in uu Maddison ka soo muuqdo shaxda Arsenal isaga oo sheegay in uu xiddiga reer England ka fiicanyahay xiddiga Kai Havertz.
“Tottenham waxa ay soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican laakiin marka la qiimeeyo xiddigaha waan ka fiicanahay, uma malanayo in aan xiddigaha Tottenham ku soo dari lahaa Arsenal marka laga hadlayo shaxda isku dhafka ah, Xiddiga kaliya ee aan ka qaadan lahaa Tottenham waa Maddison waxana aan ku badali lahaa Havertz”.
“Mar walba waan jeclaa Maddison waxana uu khadka dhexe kaga fiicnaan lahaa Kai Havertz”ayuu sii raaciyay.
Related