Kooxda Real Madrid ayaa war xun ka Heshay Xaalada Qolka Labiska ka hor kulanka Atletico Madrid ee horyaalka La Liga.
Los Blancos ayaa kooxda ay jaarka yihiin ee Atletico ku booqan doona garoonka Metropolitano kulan ka tirsan horyaalka La Liga.
Sida laga soo xigtay wargayska Diario AS, Xiddiga Dani Carvajal ayaa dhaawac muruqa ah ku seegi doona kulanka Atletico Madrid.
Xiddiga reer Spain ayaa ka dhaawacmay muruqa lugta midig intii lagu jiray tababarkii ugu dambeeyay ee kooxdiisa.
Sidaas darteed Carvajal ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo 10 maalin ah sabab la xidhiidha dhaawaca xiddiga.
Dhaawaca Carvajal ayaan ahayn mid halis ah laakiin waxa uu seegi doonaa kulanka Axada ee ay kooxdiisu la ciyaarayso Atletico Madrid.
Related