Qoyska xiddiga khadka dhexe ee Liverpool Fabinho ayaa si maldahan u sheegay inuu xiddigu u dhaqaaqi doono horyaalka sucuudiga kuna biiri doono kooxda Al-Itixaad.
Xiddiga khadka dhexe ee Brazil ayaa bartilmaameed u ah kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga iyaga oo diyaarinaya dalab 40 milyan oo euro ah.
Waxaana soo baxday in xaaska Fabinho ay tigidh ka goosatay diyaarada sucuudiga ee “Welcome Suadi” taas oo muujinaysa in uu xiddigu ku dhawyahay u dhaqaaqista sucuudiga.
Mustaqbalka Fabinho ee Liverpool ayuu shaki ku jiray bilihii ugu dambeeyay iyada oo qaab ciyaareedkiisu si weyn hoos ugu dhacay xilli ciyaareedkii hore.
Fabinho ayaa Liverpool kula jira heshiis dhacaya 2026.
Sii Akhriso: Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Fariin U Diray Masuuliyiinta Loo Haysto Musuq-Maasuqa

Related



Source link