Liverpool ayaa rajeyneysa inay lasoo saxiixato xiddiga kooxda chelsea ee Levi Colwill xagaagan ka dib qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee uu da’yarku ku qaatay Brighton.
Xiddiga 20 jirka ah ayaa 17 kulan oo Premier League ah u ciyaaray Brighton xilli ciyaareedkii hore waxana uu muhiim ka ahaa kooxdaas laakiin waxa uu haatan ku soo laabtay kooxda chelsea.
Liverpool ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga laakiin chelsea ayaa ilaa haatan ku adkaysanayasa in uuna xiddigu iib ahayn.
Colwill ayaa heshiis 2 sano ah kula jira kooxda Chelsea waxana ay doonayaan in ay heshiis cusub ka saxiixdaan xiddiga si ay u sii haystaan.
Laakiin xiddiga ayaa ilaa haata diidan isaga oo doonaya in loo balan qaado boos joogto ah ka hor inta uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda.
Cowlill ayaa ah taageere Liverpool ah waxana uu taageeri jiray Halyeeyga Reds ee Steven Gerrard Waxana lagu arkay isaga oo xidhan maaliyada Reds markii uu aadka u yaraa.

Related



Source link