Mateo Kovacic ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray Manchester City, sida uu qabo Fabrizio Romano.
“Mateo Kovacic waxa uu haatan heshiis shaqsi ah la gaaray Manchester City ka dib wadahadalo horumarsan oo horayba loo shaaciyay todobaadkii hore” ayuu Romano ku soo qoray bogiisa Twitter-ka.
“Kovacic waxa uu doonayaa in uu ku biiro kooxda Man City kadib Final-ka Koobka champions League”.
“Chelsea, way u furan tahay inay iibiso Kovacic.”
Warar hore ayaa soo jeedinayay in Chelsea ay diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga 35 milyan oo euro iyada oo heshiiska xiddigu dhacayao 12 bilood kadib.
Xiddiga laftiisa ayaa ka dhawaajiyay in ka dib shan sano oo uu ku sugnaa Stamford Bridge, laga yaabo in ay tahay waqtiga uu u dhaqaaqi lahaa.

Related



Source link