Kooxaha Saudi Arabia ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan saxiixa daafaca Arsenal Gabriel Magalhaes.
Kooxaha sucuudiga ayaa si weyn uga adeeganaya kooxaha reer yurub suuqa kala iibsiga xagagaa.
Xiddigaha Jordan Henderson, Roberto Firmino, N’Golo Kante, Riyad Mahrez, Karim Benzema & Sadio Mane ayaa ku biiray horyaalka sucuudiga.
Neymar ayaa noqon kara saxiixii ugu weynaa ee ku biira horyaalka sucuudiga iyad aoo uu xiddiga reer Brazil qarka u saaranyahay ku biirista kooxda Al-Hilal.
Sida laga soo xigtay wargayska Mirror, Daafaca Arsenal ee Gabriel ayaa diidara u saaran kooxaha sucuudiga kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga.
Gunners ayaa ka war qabta xiisaha kooxaha sucuudiga laakiin wali wax dalab Rasmi ah ma helin.
Related