Emile Smith Rowe ayaa lagu soo waramayaa in uu ku fikiray in uu isaga tago kooxda Arsenal bisha January hadii uuna kulamo badan u ciyaarin kooxda.
Ka dib markii uu si joogta ah ugu ciyaari jiray kooxda xilli ciyaareedkii hore Smith Rowe ayaa ku dhibaatooday in uu kulamo ciyaaro wakhtigii ugu dambeeyay.
Sabab la xidhiidha dhaawacyo soo gaaday xiddiga ayaan kulamo badan u ciyaarin kooxda waxanaa uu ka dambeeyaa xiddigo muhiim u ah Arsenal.
Sida laga soo xigtay 90min, Smith Rowe ayaa dalban doona in uu isaga tago kooxda Arsenal marka la gaadho suuqa kala iibsiga January.
Xiddiga ayaa doonaya in uu si joogto ah u ciyaaro si uu boos uga helo xulka qaranka England tartanka Euro 2024 ee soo socda.
Related