Kooxda Chelsea ayaa aad u argagaxday ka dib markii uu dhaawac cusub soo gaaray xiddiga garabka midig uga ciyaara kooxda ee Reece James kaas oo dhibaato jidheed oo joogto ah soo gaadhay xilli ciyaareedkii hore.
Xiddiga reer England ayaa kaliya ciyaaray 14 kulan oo premier League ah xilli ciyaareedkii hore ayaa la filayay in uu ka qayb ahaado kooxda u safraysa dalka Maraykanka si ay uga qayb qaataan isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Chelsea ayaana go’aansatay inay Reece James u dirto baaritaan maalmo jilibka ah ka hor inta aysan kooxdu isku diyaarin inay bilaabato safarkeeda isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Chelsea, oo uu hogaamiyo macalinka cusub ee Mauricio Pochettino, ayaa afar ciyaar saaxiibtinimo ku ciyaari doonta America xagaagan, oo uu ku bilaaban doono Wrexham kulanka North Carolina Arbacada.
Tababaraha reer Argentina ayaa wajahaya imtixaan adag xilli ciyaareedka soo socda ee horyaalka England Premier League, ka dib markii uu dhaxlay koox ku dhamaystay kaalinta 12-aad ee xilli ciyaareedkii hore.
Sida laga soo xigtay Evening Standard, Chelsea ayaa rajeyneysa inay maqasho war wanaagsan oo ku saabsan xaalada 23-jirka Reece James, iyagoo doonaya inuu ku lug yeesho kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka bilowga ah.
Sii Akhriso: Somaliland Oo Ka Jawaabtay Warkii Ay Ha’yadda Caafimaadka Adduunku Ka Soo Saartay Lasacaanood
Related