Jurrien Timber ayaa albaabka u furay inuu u dhaqaaqo Man Utd ama Liverpool, ka dib markii uu diiday inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo Ajax.
Labada kooxood ee ku xifaaltama Premier League ayaa la sheegay inay xiiseynayaan daafaca dhexe ee Netherlands, oo 21 jir ah, kaasoo kulankiisii ​​​​ugu horeysay ka hoos ciyaaray tababaraha Man United ee Erik Ten Hag.
Hadaladii u dambeeyay ee Timber ayaa laga yaabaa inay labada kooxood galiyeen heegan sare iyagoo doonaya inay xoojiyaan kooxahooda xagaagan.
Wareysi uu siiyay wargeyska Dutch Vandaag Inside, Timer ayaa yidhi”Miyaan joogi doonaa Ajax? Ma hubo, ma dhihi taas”.
“Haatan wadahadal kulama jiro Ajax. Wakiilkeyga ayaa dhawr mar la hadlay laakiin haatan ma jiro wax hadal ah”.
Marka la eego in Timber uu labo sano uga harsan yahay qandaraaskiisa, Ajax ayaa qiimo fiican ku heli karta xiddiga hadii ay iska iibiso.

Related



Source link