Qorshihii kooxda Liverpool ee suuqa kala iibsiga xagaaga ayay dhirbaaxo ku dhacday kadib markii xiddig lala xidhiidhinayay uu dhaawac halis ah soo gaadhay.
Liverpool ayaa lala xidhiidhinayay xiddiga khadka dhexe ee Fulham Joao Palhinha kaas oo ay doonayeen in ay ku badalaan Fabinho kaas oo ka tagaya kooxda.
Reds ayaa isku diyaarinaysay in ay dalab 60 milyan ah ka gudbiso saxiixa xiddiga reer Portugal si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Laakiin Xiddiga Joao Palhinha ayaa ku dhaawacmay kulankii isku diyaarinta ee kooxdiisa fulham taas oo dhirbaaxo ku ah qorshaha Liverpool ee suuqa kala iibsiga.
Joao Palhinha ayuu dhaawac halis ah ka soo gaadhay garabka intii uu socday kulan saaxiibtinimo oo ay la ciyaarayeen kooxda Brentford.
Klopp oo si aad ah u doonayay xiddiga ayaa haatan ku qasbanaan doona in uu meel kale ka raadiyo badalka xiddiga Joao Palhinha.
Sii Akhriso: Saraakiil Ka Tirsan Wasaarada Maaliyada Oo Maxkamad Lagu Soo Taagay Magaalada Muqdisho.

Related



Source link