Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Gabriel Martinelli ayaa la sheegay in uu garoomada ka maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray canqowga sida ay sheegayaan wararku.
Laacibka heerka caalami ee dalka Brazil Ayaa ku dhaawacmay kulankii Brighton ee ay Arsenal la kulantay guuldarada 2/0 ah Axadii.
Xiddiga 21 jirka ah ayaa dhaawac uga baxay ciyaarta markii ay socotay 20 daqiiqo iyada oo lagu badalay xiddiga Leandro Trossard, Mikel Arteta ayaanan wax fiican ka sheegin dhaawaciisa kadib ciyaarta.
Sida laga soo xigtay The Athletic, Dhaawaca Martinelli ayaa ka halis badan sidii markii hore la filayay.
Sidaas darteed xiddiga rer Brazil ayaa garoomada ka maqnaan doona labada kulan ee ugu dambeeya ee kooxdiisu.
Xiddiga ayaa la filayaa in uu dhawr todobaad u baahdo si uu uga soo kabsado dhaawaca laakiin waxa la filayaa in uu diyaar u noqdo  bilowga xilli ciyaareedka dambe.

Related



Source link