Jorginho ayaa lagu soo waramayaa in uu ku wargaliyay Arsenal in uu doonayo in uu isaga tago kooxda xagaagan iyada oo Fenerbahce ay la soo xiriirtay xiddiga reer Italy.
Gunners ayaa la soo wareegtay Jorginho suuqii dhawaa ee January kadib markii ay isku afgaran waayeen Moises Caicedo.
Jorginho ayaa saxiix fiican u ahaa Arsenal marka loo eego in uu kaliya 12 milyan ugu soo biiray kooxda isaga oo si deg-deg ah ula qabsaday kooxda kana caawiyay in ay ku tartamaan premier league.
Xiddiga reer Italy ayaa ku bilowday 9 kulan oo premier League ah iyo 2 kulan oo Europa League ah isaga oo xiddig muhiim ah ka noqday kooxda.
Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa ka cabsi qaba in uu kaydka galo kadib markii ay kooxdu la soo saxiixatay Rice sidoo kale uu Arteta sheegay in u Havertz ka ciyaarsiin doono khadka dhexe.
Sida laga soo xigtay TRT Sport, Jorginho ayaa u sheegay Arsenal in uu doonayo in uu isaga tago kooxda suuqa xagaagan

Related



Source link