Tababaraha kooxda Barcelona Xavi Hernandez ayaa shaaca ka qaaday ujeedka Kooxdiisa ee tartanka champions League xilli ciyaareedkan.
Kooxda Barcelona ayaa Group kula jirta Porto, Shakhtar Donetsk iyo Royal Antwerp.
Mar wax laga weydiiyay ujeedkooda champions League ayuu Xavi yidhi”Ujeedku wuu cadyahay, marka hore waa in aan ka soo baxno Group-yada”.
“xilli ciyaareedkii hore waxa aan nasiib xumo ku yeelanay Group adag ayaan ku dhacnay, waxana aan ku aadnay Bayern, iyo Inter oo aaday Final-ka champions League”.
“Ujeedkeenu waa in aan meel fiican ka gaadhno tartanka isla markaas ku guulaysano koobka”,
Related