Tababaraha Kooxda Barcelona Xavi ayaa ‘100% soo dhaweyn doona’ soo laabashada Lionel Messi xagaagan ka dib markii la xaqiijiyay inuu ka tagayo Paris Saint-Germain.
Laacibka 7-da jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa safan doona kulankiisii ​​ugu dambeeyay ee kooxda kulanka ugu dambeeya ee Ligue 1-ka ee ay ku wajahayaan Clermont sabtida.
Bixitaanka 35-sano jirkaan ka dib labo sano oo uu ku sugnaa PSG ayaa muddo dheer la sugayay waxaana si rasmi ah u sheegay Galtier shir jaraa’id oo uu qabtay Khamiistii.
Tababaraha Kooxda Barcelona ee Xavi ayaa ka fal celiyay warkaas xilli ay kooxdiisu doonayso saxiixa xiddiga inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Isagoo ka hadlayay suurtagalnimada Messi ee ku soo laabashada Camp Nou ayuu Xavi yidhi”Leo Messi ayaa go’aansan doona mustaqbalkiisa usbuuca soo socda”.
“Waxa uu 100% haystaa ogolaanshahayga hadii uu nagu soo biirayo”.
“Wuxuu ogyahay inaan diyaar u nahay inaan soo dhaweyno isaga. Wax isbedel ah ma jiraan, waxaan haysanaa fursado, waxa aan doonaynaa in uu Messi halkan yimaado laakiin isaga ayaa go’aan gaadhi doona”.

Related



Source link