Tababaraha kooxda Barcelona Xavi Hernandez ayaa ka hadlay dhaawacyada kooxdiisa ee haatan ka hor inta ayna wajihiin kooxda Real Betis, kulan ka tirsan wareega shanaad ee horyaalka Spain.
Kooxda reer Catalan ayaa dooneysa inay seddex dhibcood ka gaarto kulanka, gaar ahaan maadaama ay labo dhibcood kaliya u jirto kooxda hogaanka heysa ee Real Madrid.
Xavi ayaa ka hadlay dhaawicii Ilkay Gundogan kasoo gaaray kulankii France, iyadoo rugcadaaga laga bedelay garoonka isagoo ooyaya.
Si kastaba ha ahaatee, wararkii dambe ayaa sheegayay in laacibku uu taam yahay oo uusan halis ugu jirin inuu seego kulanka.
Xavi ayaa yiri intii lagu guda jiray shirkiisa jaraa’id: “Gundogan waxa uu dhaawac ka soo gaaray dhabarka, waan arki doonaa sida uu yahay maanta, waxaana go’aansan doonaa berri, inkastoo mabda’a ahaan uu taam u yahay inuu ciyaaro berri.”
Isagoo ka hadlayay dhaawaca Ronald Araujo ayuu yidhi”Araujo sidoo kale si wanaagsan ayuu u socdaa”.
Xavi ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Dhammaan ciyaartoyda waxay leeyihiin qorshe ay kaga hortagayaan dhaawaca, ma ahan inaan diirada saarno Pedri, waxaa jira dhaawacyo dhamaan kooxaha ah sababtoo ah kulamada badan”.
Xavi ayaa hadalkiisa ku soo xidhay Pedri: “Waa lama huraan in uu jiro daal iyo wal-wal”.
Related